Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa maanta madaafiic ku weerartay xarunta golaha baarlamaanka ee dowlada Federaalka halkaas oo uu maanta ka socday kulan ay xildhibaanadu uga doodayeen hanaanka doorashada gudoonka baarlamaanka iyo doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas iyadoo bidhaamisay in madaafiicdu ay dhaawaceen ugu yaraan 7 ruux oo isugu jira shaqaalaha baarlamaanka iyo askar ilaalo u ahayd qaar ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in askarta ay dhaawacyadu soo gaareen ay ku jiraan askar ilaalo u ahayd xildhibaan C/Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.
Muuqaallo laga soo duubay xarunta ayaa sidoo kale muujinayey dhiig daadsan albaabka laga galo xarunta iyo muraayadihii daaqadaha xarunta oo dhulka kusoo daatay.
Arintan ayaa imaaneysa iyadoo sidaan oo kale Al-Shabaab ay maalmo ka hor weerar ku qaadday teendhada Afasiyooni xilli halkaas lagu dhaarinayey xildhibaanada cusub ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.