War rasmi ah oo kasoo baxay maktabka qadaha ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in maalinimada Axadda oo berito ah la dhameystirayo 30-ka bisha barakeysan ee Ramadaan halka maalinta Isniinta ay tahay maalinta ciidul-Fitriga ee koowda bisha Shawaal.
“Kadib Baaritaan dheer oo uu maktabka Qadaha Shabaabul Mujaahidiin ka sameeyay wilaayaadka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaa adkaatay in la arko bishii Shawaal, sidaas darteed, maalinta Axada ee berri ah waxaa la dhamaystirayaa bisha Ramadaan, ciiduna waxay noqonaysaa maalinta Isniinta ah” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Maktabka Garsoorka Xarakada Al-Shabaab.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay inay Allaah uga mahad celiyaan nicmooyinka uu ku galladaystay, isla markaana farxada ciida la wadaagaan dadka masaakiinta ah, fuqarada, agoonta iyo kuwa aanan waxba haysanin.