Dhac baahsan ayey askarta federaalka saacadihii lasoo dhaafay ka geysteen deegaanka War-ciise oo ah deegaan qiyaastii 25km dhanka bari kaga beegsan magaalada Jowhar ee wilaayada Shabeelada dhexe.
Maleeshiyaatka Murtadiin ayaa jabsaday goobo ganacsi iyo guryo ay daganaayeen dadka deegaanka waxeyna ka qaateen hanti isugu jirta lacag,moobile,hub iyo agabyo kale oo ay lahaayeen dadka deegaanka.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka sheekeeyay dhaca baahsan ee shalay maleeshiyaatka Murtadiinta u geysyteen xoola dhaqatada iyo beeraleyda ku dhaqan deegaanka War ciise.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Xogta Mid Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Oo Murtadiinta Dhaceen.