Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey gudaha iyo duleedka magaaladan Muqdisho ka fuliyeen howlgalo kala duwan oo ay la beegsadeen xubno ka tirsan federaalka.
Howlgalka hore waxey ka fuliyeen degmada Boondheere waxeyna ku beegsadeen sarkaal ka tirsan Ridada kaasi oo muddo 16 sano ah si arxan daro ah dadka Muslimiinta ugu tacdiibinayay xabsiga godka Jilicow.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xasan Abuuje ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus xaaladiisane waa mid adag waxeyna Shabaabul Mujaahidiin rasaas kaga dhufteen oo ay kaga soo rideen Labadiisa indhood.
Howlgalka xiga waxey Mujaahidiintu ka fuliyeen tabeelaha sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho waxeyna ku dileen Murtad lagu magacaabi jiray Cabdi Kariim kaasi oo ka howlgalayay safaarada Turkiga sidoo kalane ka mid ahaa ergada soo dhigtay xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed.
Degmada Dayniile waxey Mujaahidiintu qarax la beegsadeen gaari uu la socday sarkaal gaashaanlle ah oo ka tirsan Ridada kaasi oo lagu magacaabo Salaad Isxaaq Yuusuf kaasi oo ay la socdeen askar ilaalo ah.
Inta la xaqiijiyay sarkaalka iyo afar askari oo ilaaladiisa ah ayaa qaraxa ku dhaawacmay waxaana ku dhintay hal askari gaarigiina waa uu burburay.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin muddooyinkii dambe waxey sii kordhiyeen howlgalada ay ku beegsanayaan saraakiisha Ridada ee ay ka fulinayaan magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.