Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey galinkii dambe ee maanta dagaallo culus oo saf ah ku qaadeen magaalooyinka Yeed iyo Aato oo dhaca xad beenaadka Wilaayada Bakool la wadaagto Itoobiya.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey dhowr jiha ka weerareen saldhigyada maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka ah ee Liyuu Booliska kuwaasi oo muddo sanado ah duulaan ku joogay magaalooyinkaas.
Dagaal culus ka dib waxey ciidamada Mujaahidiintu ugu dambeyntii dagaal kula wareegeen gacan ku heynta labadaasi magaalo ee Yeed iyo Aato.
Dhanka kale afhayeenka ciidamada militaryga ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay idaacadda islaamiga Andalus ayaa sheegay in ciidamadoodu ay gacanta ku dhigeen magaalooyinka Yeed iyo Aato ee wilaayada Bakool kadib dagaal culus oo ay la galeen maleeshiyaat uu ku tilmaamay xabashi kalkaal.
Abuu Muscab ayaa sheegay inay dagaalka ku dileen askar ka tirsan maleeshiyaatka Lyuu Police ayna ku qabsadeen hub iyo saanad ciidan.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Xogtii U Dambeysay Ee Yeed Iyo Aato.