Magaalada Baydhabo ee Wilaayada Baay waxaa ka dhacay qarax culus oo lala beegsaday mid ka mid ah wasiirada maamul gobaleedka isku magacaabay Koonfur Galbeed.
Qaraxan waxaa lagu dilay wasiirkii cadaalada maamul gobaleedka Ashahaado la dirirka ah ee koonfur galbeed Murtadka lagu magacaabi jiray Xasan Ibraahim Lugbuur..
Wasiirka waxaa lala dilay saddex askari oo ilaaladiisa ah, Waxaa sidoo kale qaraxaas ku dhaawacmay saddex-kale oo ka mid ah ilaalada wasiirka la dilay.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda dilka wasiirkii cadaalada maamul gabaleedka gaala raaca ah ee isku magacaabay Koonfur Galbeed.
Maalmo ka hor ayey aheed markii camaliyad Istish-haadiya ah oo ka dhacday magaalada Marka ee Wilaayada Shabeelada hoose lagu dilay gudoomiyihii maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Marka Murtadka lagu magacaabi jiray Cabdi Llaahi Waafow.
Calamada.com