Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey madaafiic ku garaaceen xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaaladan Muqdisho.
Jugta madaafiicda waxaa si aad ah looga maqlay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho, Waxeyna Mujaahidiintu xarunta ku garaaceen 7 madfac.
Duqeyntan ayaa lala beegsaday xilli gudaha xarunta uu ka socday kulan u dhaxeeya xildhibaanada Ridada kaasi oo ah mid ay ku aqbalayeen wasiirada cusub ee dhawaan uu ku dhawaaqay R/wasaaraha Ridada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.