Waxaa sii xoogtay dagaalka maalintii Lixaad ka socda waqooyga dalka Itoobiya kaasi oo u dhaxeeya Jabhadda TPLF oo dhinac ah iyo ciidanka dowlada Federaalka Xabashida Itoobiya iyo maamulka dhulka Amxaara oo dhinac ah.
Maleeshiyaatka Tirgee ayaa guula waaweyn ka gaaray dagaalka ka socda waqooyga dalka Itoobiya, Waxeyna saaka TPLF dagaal kula wareegtay magaalada Istiraatiijiga ah ee Weldiya taasi oo ka tirsan gobalka Wallo ee ismaamulka Amxaarada.
La wareegidda magaaladan ay la wareegtay Jabhadda TPLF ayaa qalqal xoogan galisay magaalada ee Dessie, Waxeyna magaalada ee Dessie wajaheysaa cabsi ku aadan iney kusoo dhawaadaan maleeshiyaatka Tigree.
Magaalada Weldiya waa magaaladii Labaad oo ka tirsan ismaamulka Amxaara oo muddo 48 saac gudahood dagaal kula wareegaan maleeshiyaatka Tigree waxeyna saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen magaalad Gobo.
Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya dagaalka ka socda Waqooyga dalka Itoobiya, Iyadoo dagaalada ay kusii fidayaan dhul hor leh.
Calamada.com