Xog dheeraad ah waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen gudaha degmada Dayniile ee magaaladan Muqdisho.
Howlgalka oo si gaar ah kaga dhacay xaafada Sarkuusta waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa dowlada Ridada Federaalka.
Sarkaalkan Murtadka ah ee Mujaahidiintu ay dileen oo darajadiisu ahaa Gaashaanle ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Sheekh Maxamed Nuur.
Dilka sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay howlgal Mujaahidiintu ay ka fuliyeen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho ay ku dhaawaceen Sarkaal Harmacad ah oo Labo Xidigle ah kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Ufurow.
Sidoo kale qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafada Ifka Xalane ee degmada Wardhiigley waxaa dhaawacyo garaab ah ku noqday 3 askari oo maleeshiyaatka Federaalka ah.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.