Maleeshiyaadkan oo ka tirsanaa Baangaraafta ayaa shalay kasoo baxay Buulo burde waxay soo weerareen dhulka shareecada lagu xukumo.
Isla markii ay kasoo baxeen buulo burde waxa qabsaday dagaal culus, waxana laga gubay gaari nooca dagaalka ah oo gabi ahaanba burburay, gaarigan oo miinadu ay si xun u jarjartay ayaa waxa soo sawiray isla baangaraafta oo ku sheegay in uu yahay gaari iyagu ay gubeen oo mujaahidiinta ay ka gubeen, hase yeeshee beentaas waa laga daba tagay.
Baangaraafta oo xalay si naf la caari ah ku gaaray duleedka Buqaqable ayaa xalay saqdii dhexe isaga firxaday, waxayna u jihaysteen dhanka gobolka Shabeelaha hoose, wararkii u dambeeyayna waxay sheegayaan in ay ku dhowyihiin garoonka Ballidoogle ee Sh/Hoose.
Allaah SW ayaa fashiliyay dhammaan dhagirihii cadowga, anagoo og in maalin ka horna uu fashilmay duulaankii xooganaa ee kasoo qaadeen dhanka Dhuusamareeb, waxayna laabteen iyagoo bakhti badan iyo dhaawacyo wata.