Wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa ka warbixisay dib ugurashadii ay maleeshiyaadka huwanta ah ka sameeyeen deegaanno iyo degmo katirsan gobolka Hiiraan.
Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan oo ah waaliga wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in dib loo xoreeyay dhammaan deegaannada dhaca Bariga wilaayada ee ay ciidamada huwanta ah ku qabsadeen dagaalladii dhacayay bilihii lasoo dhaafay.
Waaliga ayaa bogaadiyay qaar katirsan beelaha dega Bariga Hiiraan kuwaas oo iska diiday in ay wax wada shaqeyn ah layeeshaan maleeshiyaadka Macaawisleyda iyo ciidamada DF-ka ee shisheeyuhu tababaray.