Kooxda ridada ee ka arrimisa qaybo ka mid ah Muqdisho ayaa kadib markii ay ku soo jabeen dagaalkii dhulka ahaa ee wilaayadaadka ay ku qaadeen, waxay dan moodeen oo tabartu u sheegtay in ay yiraahdaan afka ha la qabto dhammaan warbaahinta taageerta shareecada Islaamka iyo ku dhaqankeeda.
Bogga calamada wuxuu maalmihii u dambeeyay faafinayay waxa ka socda furimaha dagaalka ee xaqa iyo baadilku isku hayaan waxan uu si joogto ah usoo bandhigayay xaqiiqooyinka dagaalka iyo jabka haysta kooxdan, arintaasi oo ay aad u dhibsadeen kooxda xasan sheekh.
Ugu dambayn sidii lagu yaqaanay dadka baadilka wata in aysan u adkaysan karin xaqa in dadka la maqashiiyo ama la tusiyo waxay koodani go’aan ku gaareen in ay u cago jugleeyaan shirkadaha internetka ee Soomaaliya kuwaasi oo ay amar ku siiyeen in khadkooda aan laga daawan boggeenan calamada.
Waxa arrin aad loola yaabo ah, kooxdani waxay haystaan bogag aad u tiro badan oo ay ku faafiyaan baadilkooda, sidaasi oo ay tahay baadilkoodii iyo sixirkoodii waxa buriyay dhowr bog oo xaqa lagu faafiyo, waana dhaqan soo jireen ah oo hore ummadan islaamka ah usoo maray.
Ugu dambayn Akhristayaasheena waxan leenahay xaqa ayaa mar kasta sare mari doona, xaqana afka laguma damin karo, mar kastana waxaan isku dayi doonaa in aan idin soo gaarsiinno wararkeena.