Waxaa sii kordhaya khasaaraha dowlada federaalka iyo midka Hirshabeelle lagu gaarsiiyay howlgalo milatari oo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ka kala fuliyeen degmooyinka Buulo burte iyo Jalalaqsi ee wilaayada Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Dhanka degmada Jalalaqsi waxaa howlgalka Milatari lagu dilay 19 xubnood oo ay ku jiraan gudoomiyihii degmada Jalalaqsi Caga-joof iyo duqii maamulka Hirshabeelle ee degmadaas.
Dhanka degmada Buulo burte waxaa howlgalka Milatari ku dhintay 6 askari oo isagu jirta milatari iyo macawiisley, Waxaa sidoo kale howlgalada Buulo burte iyo Jalalaqsi dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar Jabuutiyaan ah.
Halkan Ka Dhageyso Xogta Howlgalada Buulo Burte Iyo Jalalaqsi.