Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose ayaa sheegaya in qarax xooggan uu goordhow ka dhacay Hotel Tawakal oo dhaca xeebta magaalada.
Weerarka oo ku billaawday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay waxaa xigay dagaalyahanno aad u hubaysan oo gudaha Hotelka udaatay waxaana lamaqlayaa dhawaqa rasaas culus.
War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegteen mas’uuliyadda weerarka sida ay baahisay Idaacadda Andalus.
“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah iyo mid inqimaasi ah ku qaaday Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo oo ah goob ay gabaadsadaan xubnaha maamulka Axmed Madoobe” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab.
Lasoco Waxii Faahfaahin Ah.