Sheekh Mahad Warsame Abuu Cabdi Raxmaan oo ka mid ah hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa jeediyay kalimad cusub oo maqal ah.
Sheekha ayaa ugu horeyntii xusay in Mujaahidiintu si weyn usoo dhaweynayaan shir weynihii 5-aad ee Culimada kaasi oo dhaawan kusoo gaba gaboobayay Wilaayaatka Islaamiga lagana soo saaray Bayaan iyo Fatwo Sharci ah.
Dhanka kale Sheekh Mahad Warsame ayaa faahfaahin ka bixiyay Camaliyaatkii Istish-haadiga ee maalmo ka hor lagu weeraray waxa loogu yeero wasaarada Waxbarashada ee kooxda Xasan Garguurte, Waxa uuna sheekha xusay in wasaaradaas bartilmaameed u aheed Mujaahidiintu maadaama Wasaarada ku howlaneed hagar daameynta dadka Muslimiinta.
Sheekh Mahad Allaah ha dhowre ayaa xusay in Camaliyaddaas lagu dilay 69 Murtad oo isugu jira saraakiil,askar iyo shaqaalihii wasaarada, Waxaana ku dhaawacmay 35-kale.
Sheekh Abuu Cabdi Raxmaan ayaa intaasi raaciyay in camliyadii 1-aad ay ka dhacday gudaha xarunta Wasaarada balse camaliyadii 2-aad ayey maleeshiyaatka Garguurte ku rasaaseeyeen albaabka xarunta taasi oo sababtay in gaariga darbiga wasaraada ku qarxa taasna ay sababtay dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo soo gaartay dad Muslimiin ah, Waxa uu sheekha sheegay in mas’uuliyadda dadkii Muslimiinta ee ku dhintay halkaas ay qaadeyso kooxda Ridada.
Ugu dambeyn Sheekh Mahad ayaa ka tacziyeey dadkii Muslimiinta ee ku dhintay halkaas, Isagoona markale dadka Muslimiinta ugu baaqay iney ka fogaadaan xarumaha gaalada iyo Murtadiinta ee bartilmaameedka ah.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Kalimadda Hogaanka Sare Ee Mujaahidiinta.