Xalqadii hore waxaan kaga soo sheekaynay socdaalkii guuleystay ee uu guddigu ku gaaray degmada Jamaame, waxaanse markaan eegi doonnaa socdaalka cusub iyo miraha laga dhaxlay, degmada Kamsuuma waxay ka mid tahay degmooyinka uu gaaray guddiga xamlada iyagoo halkaas ka qabtay shaqooyin dhowr ah oo si wayn u taabanayay dhinacyada kala duwan ee bulshada.
Markii uu guddigu soo gaaray degmadan waxay markiiba guda galeen howlahooda shaqo kadib kulamo dhexmaray guddiga iyo maamulka islaamiga ah ee degmada, waxaa la qabtay dowraad sharci ah oo ay qaadanayeen ardayda iyo macalimiinta si la mid ah degmoyinka kale ee aan horay uga soo warbixinay, waxaana mucalimiinta intaa u dheerayd imtixaan ama ikhtibaar lagu qiimaynayay heerka aqoontooda.
Magaaladan waxaa ka furan madarasadda Tabuuk oo ay wax ku bartaan boqolaal arday oo badankood ka yimaadda tuulooyinka fog fog ee hoos taga degmada sida uu inoo sheegay maamulka madarasadda.
Arrimaha mudan in isdul taagga lagu sameeyo kuuna muujinayo in bulshada halkan degani ay yihiin bulsho mudan inay qudwo iyo tusaale u noqdaan bulshooyinka kale ee wilaayaadka dalka marka loo eego ahmiyadda gaarka ee ay siiyaan waxbarashada waxaa ka mid ah in ardayda wax ku barata madarassada magaalada ay badi kasoo kicitimaan tuulooyin fog fog oo qaarkood dhowr toban Km u jira deg Kamsuuma.
Hadaba halkan hoose waxan idiinku soo gudbin doonaa warbixintii idaacadda Andalus ay ka diyaarisay waxbarashada degmada Kamsuuma oo maqal ah iyo sawirada waxbarashada degmada.
Dhagayso Qaybta 7aad Xamlada Tacliinta Madaarista W. Jubbooyinka (Degmada Kamsuuma)