Safar dheer kadib waxay guddigu markan usoo jihaysteen magaalada Jilib oo ah halka markii horeba ay lajnadu u qorsheeyeen inay gunaanad fiican u noqoto xamladan isbadalka wayn samaysay ee uu ku dhawaaqay maktabka tarbiyada iyo tacliinta ee wilaayada Jubbooyinka.
Degmada Jilib waxa ka furan madaaris, macaahid iyo mu’assasaad tacliimi ah oo kor u dhaafaya 10 xarumood maamul ahaanna hoos taga maktabka tarbiyada iyo tacliinta ee wilaayada Jubbooyinka, kuwaas oo qayb ka mida loo qorsheeyay inay ka faa’ideystaan, xamlada Macan Naxwal Cilmi Wal Macrifah oo muddo ka badan hal bil ka socotay degmooyinka wilaayada diiradana lagu saarayay horumarinta arrimaha waxbarasho ee degmooyinka wilaayada Jubbooyinka.
Sidaba uu wafdigani kusoo maray degmooyinka kale ee WI Jubbbooyinka, waxa uu qiimeyn guud ku sameenayay dhismeyaasha madaarista iyo macaahidda degmada iyo ardeyda oo laga qiimayanay heerarkooda aqooneed iyo diraasaadka ay qaataan.
Xubnaha guddiga wafdigan oo u istaagay fulinta iyo dhamaystirka mashruuca Macan naxwal cilmi wal macrifah ayaa guda galay howlihii uga qorsheysnaa degmada Jilib, waxay ardayda iyo mucalimiinta wax ka dhiga xarumaha waxbarashada ay hal mar u wada xaroodeen dowraadka loo qorsheeyay.
Halkan hoose waxan idiinku soo gudbin doonaa warbixintii idaacadda Andalus ay ka diyaarisay waxbarashada degmada Jilib oo maqal ah iyo sawirada xafladdii gabogabada oo Jilib Ka Dhacday.
Dhagayso Qaybta 8aad Xamlada Tacliinta Madaarista W. Jubbooyinka (Degmada Jilib )
Hoos Ka Daawo Sawirrada.