Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya waxey xaqiijinayaan in deegaan dhaca Bariga Hiiraan uu ka dhacay qarax lagu dilay Sarkaal sare.
Qaraxa waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel-qooxle oo hoostaga degmada Maxaas ee Bariga Hiiraan kaasi oo lala beegsaday sarkaal ka tirsanaa hogaamiyaasha maleeshiyaatka Macaawisleyda.
Sarkaalkan qaraxa lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Qowdhax isagoona ka mid ahaa hogaamiyaasha sare ee maleeshiyaatka Macaawisleyda ee daaha gadaashiisa ay kasoo hubeynayaan shisheeyaha soo duulay.
Deegaanka Ceel-qooxle ee maanta uu ka dhacay qaraxa lagu dilay Cali Qowdhax waxaa bilo ka hor ka dhacay dagaal culus oo lagu dilay hogaamiyihii ugu sareeyay maleeshiyaatka Macaawisleyda kaasi oo lagu magacaabi jiray Cilmi Hagar Guure.
Calamada.net
Calamada.com