Howlgal qorsheysan oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gudaha suuqa Bakaaraha ee magaaladan Muqdsho waxey ku beegsadeen askar ka tirsanaa sirdoonka federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaano dharcadka.
Shabaabul Mujaahidiin waxey howlgalka ku dileen 3 askari oo sirdoonka ahaa kuwaasi oo Labo ka mid ah lagu kala magacaabi jiray Mahad cusubow cabdulle iyo Axmed Yuusuf Abuukar.
Sidoo kale waxey Mujaahidiintu weerarkan ku dhaawaceen hal askari oo isna ka tirsanaa Dharcadka Ridada, Waxeyna Mujaahidiintu howlgalkan kusoo furteen Labo Biskoolad.
Muddooyinkii dambe ee waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah maamulka Xasan Garguurte ee ay ka fulinayaan gudaha magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.