Ciidamo hubeysan oo ka tirsan jabhadda Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Hiiraan ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Tarajante oo ah deegaan kaabiga ku hayo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ka dib markii ay isaga firxadeen maleeshiyaadkii sida qoor qobadka ah lagu keenay deegaankaasi.
Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa xaqiijiyay inay deegaanka soo gaareen ciidamada shabaabul Mujaahidiin ka dibna ay halkaasi kulamo kula qaateen bulshada deegaanka, waxayna dadka deegaanku ka warameen dhibaatadii ay ku qabeen maleeshiyaadkii Riddada ee isaga firxaday deegaanka.
Ciidamada shabaabul Mujaahidiin markii ay gudaha u galeen deegaankaka dib waxay goob fagaare ah kula hadleen dadka deegaanka una khudbeeyeen, waxaana deggan xaaladda deegaanka oo ay hadda si buuxda u maamulayaan Mujaahidiinta ka dib markii ay isaga carareen askartii ku sugnayd.
Sida Sawirrada lagu arki karo ciidamada shabaabul Mujaahidiin ayaa ku gaafwareegaya xaafadaha deegaanka, la wareegitaanka ay Mujaahidiintu la wareegeen deegaankan ayaana kusoo beegmaya xilli maalin uu ka hor ay deegaankaan booqdeen waziirro iyo saraakiil ka tirsan maamulka Riddada ah ee Hishabeelle.
Halkan hoose ka daawo sawirrada.