Qarax aad u xooggan ayay ciidamada guutooyinka qaraxyada Mujaahidiintu la beegsadeen gaari ay la socdeen, Askar ka tirsan maleeshiyaadka DF oo ka firxaday weerarkii cagmarinta ahaa ee ay Mujaahidiintu saaka kula jarmaadeen saldhigga cadowga ee deegaanka Qaayib ee wilaayada Galgaduud.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in qaraxa oo ahaa mid xooggan uu si gaara u haleelay gaari nooca Baraadada loo yaqaan oo marayay duleedka deegaanka Qaayib, Ayna ka buuxeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta oo ka mid ahaa kuwii ku jabay dagaalladii ka dhacay deegaanka Qaayib.
Ilo wareedyadu waxay intaasi ku darayaan in uu gabi ahaanba burburay gaariga Baraadada ah ee ay Mujaahidiintu qaraxa ku weerareen, Waxaana halkaasi khasaare culus uu kasoo gaaray maleeshiyaadka Riddada inkastoo aan tirakoob rasmi ah laga helin.
Taliska ciidanka Mujaahidiinta ayaa ballanqaaday inuu soo gudbin doono tirakoob rasmi ah oo ku aadan khasaaraha cadowga ku gaaray dagaalladii Saaka camaliyaadka ku billowday ee ay Mujaahidiintu kula jarmaadeen saldhigyada murtadiinta ee deegaanka Qaayib.
La Soco Wixii Soo Kordha.