Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal farii ah oo ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay la beegsadeen askar ka tirsan maleeshiyaadka dowladda Riddada oo ku socdaalayay deegaan dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Howlgalkan oo qarax ahaa ayaa haleelay gaari nooca ciidanka Ximbaara oo loo yaqaan BG oo ay ka buuxeen askar ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta ee uu Turkigu soo carbiyay loona yaqaan Gorgor, Halkaas oo khasaare baaxad leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka laga dacmiyo Ankara.
Khasaaraha maleeshiyaadka qaraxan barakaysan ku halaagsamay ayaa sida lasoo hubiyay gaaray 12 dhimasho ah iyo dhaawaca 20 kale kuwaas oo dhammaantood ka mid ahaa maleeshiyaadkii lala qarxiyay gaariga BG-ga oo isagana gabi ahaan halkaasi ku basbeelay.