Howlgal qorsheysan oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen inta u dhaxayso deegaannada Hosingow iyo Taabto ee gobolka Jubbada hoose ayay nolasho kusoo qabteen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada, Kaas oo la oran jiray Maxamed Sulub.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in markii ay ciidanka shabaabul Mujaahidiin isagoo nool gacanta ku dhigeen askarigan ka dib ay toogteen, Dhinaca kale waxay Mujaahidiintu weerar kammiin ah u dhigeen maleeshiyo ka tirsan murtadiinta oo ku socdaalayay deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarkaan jidgalka ah oo si gaar ah kaga dhacay duleedka deegaanka Siinga-leer ee duleedka magaalada Kismaayo waxay Mujaahidiintu ku beegsadeen kolonyo askar murtadiin ah, Inkastoo aan si rasmi ah loo soo warin khasaaraha ka dhashay weerarkan haddana waxaa jira waxyeello soo gaartay gaadiidka cadowga.