Gaadiidleyda iyo dadka socotada ah ee isticmaala waddooyinka gobolka Sh/dhexe ayaa qaati ka taagan isbaarooyinka xad dhaafka ah ee ay maleeshiyaadka Riddada soo dhigteen inta u dhaxayso magaalada Muqdisho iyo degmada Mahadaay, Halkaas oo ay dadka rayidka ah ku baadaan.
Arrintan waxay si gaar ah u saamaysay dareewallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha iyo dadka rakaabka ah ee la socda gaadiidka, kuwaas oo sida ay sheegeen isaga kala goosha gobollada Banaadir iyo Sh/dhexe.
Mid ka mid ah gaadiidleyda oo isbaarooyinka murtadiinta ka hadlayay ayaa sheegay in maleeshiyaadka kooxda Riddada ay isbaarooyin tira beel ah soo dhigteen laga soo billaabo isgoyska Ex Control Afgooye illaa degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe halkaas oo lacago xad-dhaaf ah looga qaado gaadiidka.
Arrintan ayaa kusoo beegmayso xilli ay lixaadsadeen isbaarooyinka murtadiinta ee yaala laga soo billaabo Muqdisho illaa deegaannada gobolka Sh/dhexe ee ay ka arrimiyaan maleeshiyaadka kooxda Riddada, Shalay uun ayay ahayd markii askari ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta uu dareewal gaari lacag dhan 10 kun oo shilinka soomaaliga ah ugu dilay degmada Balcad ee isla gobolkaasi.