Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa goordhow oo galabta ah dagaal xooggan ka dib si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Daynuunaay ee dhaca duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, xilli maalin uu ka hor deegaankan la keenay maleeshiyaadka Riddada.
Ilo wareedyo masuul ah oo ku sugan deegaanka Daynuunaay ayaa xaqiijiyay in dagaal kooban ka dib ay guud ahaan deegaanka isaga firxadeen maleeshiyaadka Riddada, taas oo keentay in deegaanka uu si buuxda ugu dhaco gacanta ciidamada Mujaahidiinta, waxayna maleeshiyaadka Riddada oo aan dhagta la qabtaa lahayn firxad ku galeen gudaha magaalada Baydhaba.
La wareegitaanka Mujaahidiinta ee deegaanka Daynuunaay ayaa kusoo beegmaya xilli maalin uun ka hor ciidamada xabashida ee duullaanka ku joogta wilaayada Baay ay maleeshiyaadka Riddada dib ugu soo celisay deegaankan oo ay dhowaan dagaal kula wareegeen Mujaahidiinta.
Dhanka kale ciidamada shabaabul Mujaahidiin waxay weerar kammiin ah u dhigeen kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ku socdaalayay inta u dhaxayso magaalada Baydhaba iyo deegaanka Daynuunaay, inta la xaqijiyay waxaana inta la xaqiijiyay weerarkaasi ku bakhtiyay 2 askari oo Itoobiyaan ah iyo dhaawaca 4 kale, halka sidoo kale weerarkaasi lagu gubay gaari nooca Uuraalka loo yaqaan.