Wararka ka imaanaya waddanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qof Soomaali ah lagu dilay gudaha wadankaas.
Muwaadinkaan Soomaaligia ah ayaa waxay kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ku dhax dilen dukaankiisa oo ku yiillay Damonsville ee dhaca waqooyi galbeed Koonfur Afrika.
Cismaan Maadeey Maxamed oo ah qofka Soomaaliga ah ee la dilay ayaa marka hore waxaa soo gaaray dhaawac culus kaas oo markii danbe uu ugeeriyooday, waxaana sidoo kale kooxihii ka danbeeyay dilkiisa ay dhac u gaysteen goobtiisa ganacsi.
Isbuucii lasoo dhaafay ayeey ahayd markii sidan oo kale waddanka Koonfur Afrika loogu dilay qof Soomaali ah, dilalka Soomaalida loogu gaysto dalkan ayaana muddooyinkii dambe noqday kuwa xargo goosod ah .
Booliska Koonfur Afrika ayaa lagu eedeeyaa in ay ka danbeeyaan, dilalka iyo dhaca mararka qaar loo gaysto dadka soo galootiga ah ee ku ganacsada gobollada dalkaasi.