Inta la xaqiijiyay ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay mid kalena waa uu ku dhaawacmay, ka dib weerar toogasho ah oo ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Toronto ee xarunta gobolka Ontario ee waddanka Kanada.
Taliyaha booliska xukuumadda saliibiyadda ah ee Ottowa ugu magacaaban mandiqada York, Jim Mack ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku xaqiijiyay in toogashada oo si gaar ah kaga dhacday waqooyiga Toronto, ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof iyo dhaawaca qof kale.
Sarkaalkan Kanadiyaanka ah oo hadaliisa sii wata ayaa intaa ku daray in ciidamada Boolisku ay toogasho ku dileen qofka weeraryahanka ah, mana bixin faahfaahin intaas ka baxsan.
Taliska guud ee booliska dowladda Kanada oo ka hadlayay toogashada ayaa si deg deg ah u faray ciidamada booliska inay xog dhamaystiran ka keenaan dhacdadaan, isagoona ku tilmaamay inay ahayd mid argagax leh oo aad looga naxo.
Bishii Sebtembar ayay ahayd markii nin hubeysan uu 11 qof ku dilay deegaan ka tirsan waddanka kanada, halka sidoo kale uu toogashadaasi ku dhaawacay 18 kale.