Ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Jubbooyinka waxay weerar culus ku mireen saldhiga Riddada ay kaga suganyihiin deegaanka labada garas ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, waxaana lasoo wariyay in halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Inta la xaqiijiyay dhaawaca howlgalkan maleeshiyaadka murtadiinta kasoo gaaray waa hal askari oo murtad ah, howlgalkan ayaana qayb ka ah howlgallada Mujaahidiinta ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Riddada.
Dhanka wilaayada Sh/hoose waxay Mujaahiidintu dagaallo culus ku ekeeyeen fariisimaha maleeshiyaadka Riddada ee xaaafada Mukayga, Haanta dheer,Buundada weyn iyo Moordiile oo dhammaantood ka wada tirsan degmada Afgooye, lamana soo sheegin khasaaraha maleeshiyaadka Riddada soo gaaray.
Dhanka wilaayada Banaadirna waxay ciidamada shaaabul Mujaahidiin dagaal culus ku qaadeen fariisinka Riddada ay ka deganyihiin xaafadda Sambaag ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.