Ciidamada Mujaahidiintu waxay weerar dhabbo-gal ah u dhigeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan dowladda Kenya, xilli ay ku socdaalayeen gobolka Gaarissa oo ka mid ah dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda saliibiyadda ah ee Kenya.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in weerarka jidgalka ah oo si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxaysa degmooyinka Gaarissa iyo Burraa oo ka tirsan gobolka Gaarissa, waxaana inta la xaqiijiyay weerarkaas kammiinka ah lagu dilay labo askari oo Kenyaati ah, halka sidoo kale lagu dhaawacyo tiro kale, waxayna Mujaahidiintu sidoo kale howlgalkan kamiinka ah kusoo ghaniimaysteen hal qori iyo booshkiisa.
Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala gudaha waddanka Kenya ay weerar xooggan ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Kenya ee deegaanka Finnow oo ka mid ah deegaannada hoos taga magaalada Mandheera ee xarunta gobolka Mandheera ee dhulka NFD.