Roobku wuxuu Allaah ku tilmaamay raxmad, waana mid ka mid ah adilada ugu waaweyn ee ka marqaati kacaya awoodda iyo qudrada Allaah. Rabbi ayaa socodsiiya, soo dejiya, sidoo kalena ka yeela mid barakeysan, sidaas darteed waxaa adoomaha laga doonayaa inay quluubtooda ku xiraan Allaah, isaga oo kaliyana weydiistaan, lana yimaadaan asbaabaha lagu helo roobka iyo raxmadda Allaah si ay uga badbaadaan abaaraha iyo aafooyinka.
Warbixintan waxaan kusoo gudbin doonaa shan [5] kamid ah abaabaha lagu helo roobabka oo bulshadii laga helaa uu Allaah ku maneysanayo roobabka iyo barkaatka samadda, haddii laga fogaadana ay arintu caksiga noqoneyso oo halis loo galayo ciqaab iyo carro xag Alle ka timaada oo galaafata dadka iyo duunyada. Asbaabahan shanta ah waxay kala yihiin.
Haddaba si aad u ogaato shantaasi arrimood ee ka mid ah asbaabaha lagu helo Roobka ku dhagayso warbixintan oo aan ku faaqidi doonno.