Xogo faahfaahsan oo dheeraad ah ayaa laga helayaa weeraro isugu jiray dhabbo-gal, qaraxyo, iyo howlgal gaar ah oo ka kala dhacay gobolka Gaarissa iyo wilaayaadka dhaca koonfurta Soomaaliya,
Weerarka hore oo kammiin ahaa si gaar ahna kaga dhacay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Gaarissa iyo Burraa waxay Mujaahidiintu ku dileen ugu yaraan 2 askari oo Kenyaati ah, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2 askari oo kale, waxayna Mujaahidiintu weerarkan kusoo ghaniimeysteen qori iyo booshkiisa, iyagoo dab qabadsiiyay gaari Kooyal ah oo ay lahaayeen Booliska saliibiyiinta Kenya.
Dhanka kale waxaan helnay magacyada qaar ka mid ah maleeshiyaadka Riddada ee maanta lagu dilay qaraxii aadka u xoogganaa ee ay Mujaahidiintu ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee wilaayada Sh/dhexe, kaas oo lala eegtay sarkaal sare oo ka tirsanaa saraakiisha Riddada.
Sarkaalka weerarkaasi lagu beegsaday Allaah fadligiina lagu khaarajiyay waa C/Rashiid Cali Lugeey oo caan ku ahaa (Cabdi Maleyko). (2) Yaasiin Cali Xasan duful oo isagana ahaa askari murtad ah waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay qaraxii maanta, waxaa sidoo kale maleeshiyaadka la dilay ka mid ahaa Abuukar Maxamed Cabdulle iyo Cabdicasiis Cumar Raage Yoontooy.
Maleeshiyaadka qaraxaasi ku dhaawacmay waxay kala ahaayeen (1) Nuur Ciise oo ahaa askari (2) Mahad Faraweyne iyo (3) Buush Maxamuud Gandhow.
Dhanka kale waxa tafaasiil dheeraad ah laga helayaa qarax barakaysan oo maanta ka dhacay duleedka deegaanka Al-kowthar, qaraxaasi waxay Mujaahidiintu la eegteen gaari C/bile ah oo uu leeyahay taliyaha maleeshiyaadka Booliska Riddada Hirshabelle murtadka lagu magacaabo Xasan Dhicisow Xasan waxaana inta la hubiyay ku dhaawacmay 5 askari oo kamid ahaa ilaalada taliyaha booliska Hirshabelle.
Howlgal gaar ah oo ciidamada Mujaahidiintu galabta ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Weedow waxay ku khaarajiyeen Muxammad Nuur Yarow oo ka mid ahaa ergada soo dooratay xildhibaanada kooxda Riddada Soomaaliya ee laga soo doorto dhanka maamulka K/galbeed.