Waxaa maanta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud gaaray nbaddoonnadii saxiixay heshiiskii dhaxmaray Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo beesha Reer- Xaaji Saleebaan.
Nabaddoonnadan ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado, waxaana soo dhawayntooda ka qayb qaatay bulshada magaalada iyo ciidamo ka tirsan beesha oo ku hubaysnaa gaadiidka dagaalka.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Cadaado ayay ku sheegeen in uu dhaqan galay heshiiskii ay kala saxiixdeen beesha Reer-Xaaji Saleebeen iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-shabab.
Nabadoon Cumar Maxamed Jimcaale oo kamid ah nabaddoonnadii saxiixay heshiiska ayaa shirka jaraa’id ku sheegay in aysan ka tirsanayn Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Kooxda Riddada midna, ayna u adeegaan bulshada ay matalaan, halkii maslaxadoodu gashana ay aadayaan.
Nabaddoon Sugaal Warsame Cali iyo nabaddoon Cali Yare Axmad Xayle ka mid ahaa saxeexeyaasha heshiiska ayaa dhankooda sheegay in uu dhaqan galay heshiiskaasi, waxayna si kulul ugu jawaabeen odayaal ay soo abaabushay Kooxda Riddada Soomaaliya, ayna wax maslaxo ah u hayniin beesha.
28-kii bishii Jumaadul Uulaa ee lasoo dhaafay ayeey Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo beesh Reer- Xaaji Saleebaan heshiis buuxa ku saxiixdeen dagmada Xaradheere ee xarunta wilaayada islaamiga ah ee Mudug, kaas oo laga soo saaray bayyaan ka kooban 15 qodob, Hadlakaan kasoo yeeray nabadoonadii qalinka ku duugay heshiiskaasi ayaa meesha ka saaraysa warar been abuur ah oo uu faafiyay maamulka Riddada ah ee Galmudug.