Wararka ka imaanaya dalka Burkiina Faaso ee dhaca galbeedka qaaradda Africa ayaa sheegaya in weerar culus oo jihadi ah lagu qaaday saldhig ciidan oo maleeshiyaadka waddanka Burkiina faaso ay kaga suganyihiin Koonfurta waddankaas.
Weerarkan oo ahaa mid xooggan ayay Mujaahidiinta jamaacada Nusratul islaam wal muslimiin, ku qaadeen saldhiga maleeshiyaadka murtadiinta ee Burkiina Faaso ay kaga sugnaayeen deegaan lagu magacaabo Suuli oo dhaca gobolka koonfureed ee wadankaasi Burkiina faaso.
Bayaan kasoo baxay Mujahidiinta jamaacada u gargaarida islaamka iyo muslimiinta ayaa lagu sheegay, in weerarkan oo jumcadii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta Burkiina Faso lagu dilay ugu yaraan 5 askari oo ka mida dawaaqiidda xukuumadda Wagadugu.
Bayaanka Mujaahidiinta ayaa intaa ku daray in Mujaahidiintu ay weerarkan sidoo kale kusoo furteen hub iyo saanad millatari oo ay ka carareen maleeshiyaadka xukumadda Riddada Wagadugu, waxaana ka mid ahaa hal qori oo BKM ah, 4 qori oo ah nooca 47 ah, iyo 36 isugu jira rassaasta iyo madaafiicda hoobeyaasha.
Weerarkan jihaadiga ee ka dhacay Burkiina Faso ayaa kusoo beegmaya, xilli uu lixaadsaday halganka jihaadka ee ay Mujaahidiinta u gargaaridda islaamka iyo muslimiinta ka wadaan waddamada Mali, Burkiina Faaso, Naijar iyo waddamada kale ee jaarka la ah.