Magaalada Kuunya barrow ee wilaayada sh/hoose waxay ka mid tahay magaalooyinka wilaayaadka islaamiga ah ee ay maamusho xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, waxaana deegaankan ka jira horumarro ballaaran oo dhan walba ah.
Intii u dhaxaysay 1960-kii illaa 1965-tii ayaa lasoo dagay deegaanka Kuunya barrow, wuxuu deegaankaan ahaa mid baaxad ahaan kooban, guryaha lagu hoydaa ee ka dhisnaana waxay ahaayeen kuwa fara ku tiris ah, oo ka samaysnaa cooshado, buushash iyo baco la is dulsaaray, balse maanta waa deegaan dhan walba ka dhamaystiran.
Horumarrada la xusi karo ee ay ku tallaabsatay magaaladaan waxaa ka mid ah biyaha, oo sida ay dadka deegaanku sheegeen magaaladan ahayd mid aan 50 sano helin biyo kufilan oo nadiif ah iyadoo maanta ay ka shaqeyneyso warshad biyaha filtareesa.
Haddaba Halkan Ka Dhagayso Warbixin Ay Idaacaddu Ka Diyaarisay Kuunya Barrow.