Guutooyinka qaraxyada Mujaahidiinta ee ka howgala wilaayada Banaadir ayaa qaraxyo xooggan hal mar oo qura ku weeraray fariisimo iyo Conteollo kala duwan oo maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ay kaga suganyihiin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in qaraxyada oo gaarayay illaa 9 qarax lagu weeraray xarumo aad loo ilaaliyo, oo qaarkood ku dhow madaxtooyada Riddada, waxaana 2 ka mid ah qaraxyadaasi lagu weeraray Controlka Riddada ee Daljirka Daahsoon, halka 2 kalena ay Mujaahidiintu ka fuliyeen nawaaxiga guriga hooyooyinka.
Mujaahidiintu waxay 2 qarax oo kale ku weerareen Kaantaroolka laga ilaaliyo madaxtooyada ee ay murtadiintu kaga suganyihiin Isgoyska Ceel-gaabta, 2 kale oo ka mid ahaa qaraxyada ayay Mujaahidiintu ku beegsadeen fariisin ciidan oo kuyaal halka loo yaqaan 4-ta Darjiin, halka qarax kale lagu weeraray fariisin kuyaala qaybo ka mid ah degmada Boondheere.
Howlgalladan qaraxyada ee ay Mujaahidiintu mar qura ka wada fuliyeen magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xilli uu faraha ka baxay amniga caasimadda, magaalada caasimaddana uu ka socdo shirka u dhaxeeya madaxda ugu sarreysa ee kooxda Riddada Soomaaliya.