Sheekadan waxaan kusoo bandhigi doonaa fadeexad dul hoganaysa mid ka mid ah maxkamadda dhawaaghiida ee kooxda Riddada Soomaaliya, taas oo markale iftiimisay dhinac ka mid ah dulmiga, caddaalad darada iyo jowrfalka maxkamadahaas ee ka dhanka ah dadka rayidka ah.
Fadeexaddan ayaa soo ifbaxday 18kii Bishan aan ku guda jirno ee December ee sanadkan 2022, kadib markii waxa loogu yeero maxkamadda militaryga ee kooxda ridada Soomaaliya ay sii deeysay eedeysane ku xukunaa xukun toogasho ah, islamarkaana booskiisa ku bedeshay mid kale oo wax dambi ah geysan.
Inkastoo kiiska oo ahaa mid la mid ah dulmiyadii ay horay u geysan jirtay maxkamaddan, hadana midkan ayaa mucaaradad xoogan kala kulmay waziiro, xildhibaano, iyo saraakiil sarsare oo katirsan kooxda ridada Soomaaliya kuwaas ku doodayey in la doodsiiyey diyo ay ka rabeen ninka la fasaxay ee la bari-yeelay.