Wararka ka imaanaya gobolka Laamu oo ka mid ah dhulalka muslimiinta ee ay xoogga ku haysato dowladda Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiintu ay maanta howlgal ballaaran oo jidgal ku billowday ka fuliyeen waddada isku xirta magaalooyinka Wito iyo Bangani ee ka tirsan gobolkan, halkaas oo lagu weeraray gaadiid ay la socdeen Saliibiyiinta Kenya.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in howlgalkan dhabbo-galka ah ay Mujaahidiintu ku dileen 2 gaal oo kenyaati ah, iyadoo lagu burburiyay 2 gaari oo ka mid ah uu ahaa gaadiidka raaxada ee loo yaqaan Succeed iyo mid konteenar ximbaarsan oo ay la socdeen gaalo Kenyaan ah, waxaa sidoo kale howlgalkaasi jidgalka ah lagu gubay gaadiidka loo yaqaan mootooyinka.
Ilo wareedyadu waxay intaasi ku dareen in inta howlgalka uu socday uu waddada dheere kusoo dhacay gaari nooca cabdibilaha ah oo ay la socdeen ciidamo saliibiyiin Kenyaan ah, waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo kooban socday oo dhexmaray Mujaahidiinta iyo Saliibiyiinta Kenya.
Ciidamada Kenya ee weerarka la kulmay ayaa ugu dambayn isaga cararay goobta dagaalka, waxayna dib u laabteen iyagoo haziimo iyo khasaareba dhabarka ku sita, waana qayb ka mid ah howlgallada Mujaahidiinta ee ka dhanka ah saliibiyiinta Kenya.