Howlgal gaar ah oo ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, waxay ku dileen mid ka mid ah ergooyinka soo dhisay xildhibaannada baarlamaanka dawaaqiidda Riddada ee laga soo doorto maamulka Koonfur galbeed.
Howlgalkaan oo si gaar ah kaga dhacay xaafadda Bukuray ee magaalada Baydhaba, waxay ciidanka Mujaahidiintu ku dileen Ibraahim Xubne oo ka mid ahaa ergooyinka soo dhisa xildhibaannada kooxda Riddada Soomaaliya.
Dhanka kale waxay ciidamada Mujaahidiintu weerareen fariisimaha iyo saldhigyada ciidamada kuffaarta Afrikaanta iyo kuwa maleeshiyaadka Riddada ay kaga sugnaayeen degmada Jannaale iyo buundada Bariire iyo buundada Sabiid oo wada hoos taga degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose.