Isniintii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegneyd 26kii December, waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool lagu dilay Cabdi Fataax Cabdullaahi Cabdi oo ku magacdheeraa Hadraawi Sangub kaas oo ka tirsanaa xisbiga siyaasiga ee Wadani ee ka dhisan Somaliland.
Dilkan oo qeyb ka ahaa falal amni daro iyo dilal lagu beegsanayey siyaasiyiinta kasoo jeeda LaasCaanood ayaa aad uga careysiiyey dadweynaha, waxaana maalintii xigtay ee talaadada oo ku beegneyd 27kii December ay magaaladu martigelisay dibadbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo amni darada ka taagan magaaladaasi iyo dilalka loo gaysanayo dadka mucaaradka ku ah maamulka Soomaliland ee kasoo jeeda deegaanka.
Boqolaal mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka waawayn ee magaalada Laascaanood si ay umuujiyaan inay kasoo horjeedaan dilalka loo gaysanayo siyaasiyiinta iyo waxgaradka deegaanka ee lagu tuhmayo maamulka Hargeysa, balse xaalada ayaa si lama filaan ah isku rogtay , kadib markii maleeshiyaadka maamulka Soomaaliland ay hubka culus iyo kan fuduud u adeegsadeen dadkii banaanbaxyada dhigayay.
Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa 5 qodob oo uu salka ku hayo dibadbaxa ka socdo Laascaanood.
Haddaba Halkan Ka Dhagayso Warbixinta Idaacadda Oo Dhamaystiran.