Ciidamada shabaabul Mujaahidiin waxay weerar xooggan ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin deegaanka Goof-gaduud Buurey ee dhaca duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa sheegaya in saldhiggan 12 saac gudahood uu marti galiyay weerarkii labaad oo xiriir ah oo kaga imaanaya dhanka Mujaahidiinta, maanta ayay ahayd markii ay Mujaahidiintu weerar xooggan ku qaadeen saldhiggan, taas oo keentay inay ka firxadaan guud ahaan saldhigga.
Dhanka wilaayada Gedo waxay ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayadaas weerar ku ekeeyeen saldhigga ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya ee degmada Baardheere gaar ahaan garoonka diyaaradaha, lama soo werin tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan weerarkan.
Sidoo kale waxay Mujaahidiintu weeraro kala duwan ku ekeeyeen saldhigyada ciidamada kuffaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaadka Riddada ay kaga suganyihiin degmada Jannaale, xaafada Buulo Bacaad ee magaalada Marka iyo sidoo kale deegaannada kala ah Calamada iyo Ceelasha Biyaha, kuwaas oo dhammaantood hoos taga wilaayada Sh/hoose.