Degmada Maxaas oo ka mid ah degmooyinka wilaayada Hiiraan ee dhacda bartamaha Soomaaliya waxay Shabaabul Mujaahidiin saakay kula hiiraysteen camaliyaad Istish-haadi ah oo jugtooda si wayn looga maqlay gudaha degmada iyo gobollada ku xeeran, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyo ay maleeshiyaadka Riddada kaga sugnaayeen gudaha degmadaas.
Camaliyaadka oo ahaa illaa labo camaliyadood oo Istish-haadi ah ayaa si gaar ah u beegsaday saldhigyadii ugu waawayn ee ay deganaayeen maleeshiyaadka murtadiinta ee ay saliibiyiinta iyo kooxda Riddada usoo abaabuleen dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka, maktabka warfaafinta ee xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaan bayyaan horudhac ah kasoo saaray camaliyaadkan gilgilay degmada Maxaas.
Bayyaanka horudhaca ah waxaa lagu yiri “Ciidamada Mujaahidiinta waxay saakay hawgallo qorshaysan ka fuliyeen magaalada Maxaas ee Wilaayada Hiiraan. Hawgalladan oo ahaa camaliyaad istish-haadi ah waxaa lala beegsaday saldhigyadii ugu waaweynaa ee ay deganaayeen maleeshiyaatka ridada ah ee loosoo abaabulay la dagaalanka ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee wilaayada Hiiraan.
Khasaare xooggan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa cadawga kasoo gaaray camaliyaatka istish-haadiga ah, waxaa kaloo jira burbur lixaad leh oo gaaray saldhigyadii cadawga iyo gaadiidkii ciidan ee goobta yaallay. Faahfaahin intaas ka dheeri ah dib ayaan kasoo gudbin doonaa inshaAllaah.”
Halkan Ka Akhriso Bayyaanka OO PDF Ah.
La soco wixii soo kordho Insha’allaah.