Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa dagaal ka dib si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaan ka tirsan wilaayada Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka murtadiinta ee isugu yeera Macawiisleyda.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan waxay Mujaahidiintu ku qaadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Duduncad oo dhaca bariga wilaayada Hiiraan, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan diiwaan rasmi ah laga helin.
Deegaanka Duduncad ee ay Mujaahidiintu dagaalka kula wareegeen waa deegaan dhaca bariga Hiiraan, wuxuuna 13 KM Waqooyi-galbeed kaga beeganyahay deegaanka Goobo, sidoo kale wuxuu 17 Km u jiraa degmada Maxaas ee ay Mujaahidiintu saakay camaliyaadka kula jarmaadeen ee dhaca bariga wilaayada Hiiraan.
Macluumaadkii ugu dambeeyay ee laga helayo howlgalka waxay sheegayaan in dagaalka ka dib ay murtadiintu isaga firxadeen deegaanka, taas oo keentay in uu si buuxda ugu soo dhaco gacanta Mujaahidiinta.