Guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Hiiraan waxay weerar qaraxyo xooggan oo sarkaal lagu dilay ka fuliyeen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu weeraray askar ka tirsan maleeshiyaadka Riddada.
Qaraxa koowaad waxay Mujaahidiintu ka fuliyeen xaafadda Nuur Xawaad ee magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad murtadiin ah, halka qaraxa labaad na uu ka dhacay saldhigga murtadiinta ee degmada Beledweyne, waxaana inta la xaqiijiyay qaraxyadaasi ku dhintay sarkaal murtad ah oo lagu magacaabi jiray C/Llaahi Faarax Cabdi oo ku magac dheeraa {Afeey}, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 4 askari oo murtadiin ah.
Dhanka kale ciidamada Mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal xooggan ku qaadeen fariisinka askarta Riddada ee isgoyska Ex-contarol Balcad degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxay sidoo kale rag ka tirsan Mujaahidiinta holwgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa ku dhaawaceen askari ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Yuuusf Shamuukh.
Wilaayada Baay waxay ciidamada Mujaahidiintu dagaal xoogan ku qaadeen xerada ciidamada xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor, saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay weerar culus la kulantay xeradan ay deganyihiin saliibiyiinta Itoobiya.
Bakool iyo Jubbooyinkana waxay Mujaahidiintu dagaallo culus ku ekeeyeen xeryaha xabashida Itoobiya ee degmada Waajid iyo tan kuffaarta Kenya ee deegaanka Taabto, oo ka kala tirsan wilaayaadka Bakool iyo Jubbooyinka.