Mujaahidiinta Al-qaacidada Jaziiradda carabta ayaa sheegtay masuuliyadda qarax khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay, maleeshiyaadka murtazaqada Imaaraadka carabta ee ku sugan koonfurta waddanka Yeman.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan waxay Mujaahidiinta Ansaaru shareecah ka fuliyeen gudaha togga Cumraan ee ka tirsan mindhaqada Muudiya ee gobolka Abyan, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Mujaahidiinta.
Qoraalka Mujaahidiinta oo uu ku lifaaqnaa muuqaalka burburka gaariga ciidan waxaa lagu sheegay in weerarkaasi qaraxa ah oo dhacay 13-kii jumaadil aakhirah 1444H uu gallaaftay nolasha 7 askari oo ka mid ah murtazaqada Imaaraadka carabta ee la magac baxay Xizaamul Amni.
Sabtidii shalay ayay ahayd markii sarkaal ka tirsan ciidanka ashahaada la dirirka ah ee ay soo carbisay dowlada Imaaraadka carabta uu qiray in askar badan looga dilay weerar ka dhacay duleedka Muudiyah.
Afhayeenka ciidanka waxay ugu yeeraan golaha KG ah ee Koonfurta Yeman ninka lagu magacaabo Muxammad Al-naqiib, ayaa Reuters u xaqiijiyay in ugu yaraan 7 askari looga dilay weerarka qaraxa ah oo ka dhacay waadiga Cumraan ee dhaca duleedka Mindhaqada Muudiyah ee gobolka Abyan.
Dhinaca kale waxay Mujaahidiintu saacadihii ina dhaafay madaafiic xooggan oo loo adeegsaday hoobeyaasha ku garaaceen maleeshiyaad ka tirsan murtazaqada imaaraadka carabta oo marayay Waadi Cumraan oo hoos tagta Mindhaqada Muudiya ee gobolka Abyan.
Hoos Ka Daawo Muuqaallada Howlgallada.