Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal culus oo ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ay ka deganyihiin deegaanka Dudun-cad ee dhaca duleedka degmada Maxaas ee bariga wilaayada Hiiraan.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan lagu dilay 2 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta ee la magac baxay Macawiisleyda, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo ka mid ah Macawiisleyda Riddada gobolka Hiiraan, howlgalkan ayaana qayb ka ahaa howlgallada jihaadiga ah ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Riddada ee duullaanka islaam la dirirka ah ku qaaday wilaayada Hiiraan.
Dhinaca kale howlgal gaar ah oo rag ka tirsan ciidamada Mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Dakaaya madow ee degmada Dharkeeynley waxay ku dileen askari ka titsanaa maleshiyaadka murtadiinta, kaas oo lagu magacaabi jiray Faarax Muuse.
Degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose waxay ciidamada Mujaahidiintu ku khaarajiyeen murtad lagu magacaabi jiray Cabdulle Aweys Jamaal oo ka mid ahaa maleeshiyaadka murtadiinta.