Waa mar kaliya gelinkii dambe ee shalay soo shaac baxay baaxada khilaaf xooggan oo ka dhex taagnaa kooxda Riddada Soomaaliya iyo maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland, kaas oo soo jiitamayay tan iyo markii la yagleelay nidaamka cusub ee kooxda Riddada Soomaaliya.
Maamulka uu madaxa u yahay murtad Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay si madax bannaan ula macaamili doonaan Villa Somalia, si la mid ah dowladaha kale ee caalamka, taas oo ka dhigan inay ka madax bannaan tahay nimdaamka ka jira Muqdisho.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in kooxda Riddada Soomaaliya ay ka gaabisay waxay ku sheegeen dowlad dhiska Riddada, taas na ay ku riixday inay dowladda Riddada ula macaamilaan sida dowlad madaxa bannaan.
“Puntland waxay xaq u leedahay, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska dalka, inay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah”. waxaa sidaas lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Deni.
Tan iyo markii lasoo yagleelay nidaamka cusub ee kooxda Ridada Soomaaliya ee uu madaxa u yahay murtad Xassan Gurguurte waxaa sii xoogaysanayay khilaafka ka dhex aloosan maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland iyo kooxda Ridada ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.