Howlgallo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka murtadiinta iyo ciidamada kuffaarta Afrikaanta ayaa saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga kala dhacay wilaayaadka Banaadir, Jubbooyinka, Sh/hoose, Baay iyo dhulka (NFD) ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.
Howlgaka hore waxay Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxayna Allaah fadligii ku dileen Yuusuf Aadan Maadey oo ka mid ahaa ergadii soo dhistay xildhibaannada Riddada ee Hirshabeelle.
Waxay sidoo Mujaahidiintu deegaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho ku dileen Maxamed oo ku magac dheeraa Maska madow oo ahaa askari murtad ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta.
Dhanka wilaayada Jubbooyinka waxay Mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhiga maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin Buundada Daariq ee duleedka magaalada Kismaayo, welina xog rasmi ah laga helin, waxay sidoo kale Mujaahidiintu weerar ku ekeeyeen xerada ciidamada kuffaarta afrikaanta gaar ahaan kuwa Kenya ee deegaanka Hoosingow.
Dhinaca kale faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar kammiin ah oo saacadihii lasoo dhaafay kolanyo ka tirsan ciidamada Kuffaarta Afrikaanta Yugaandha loogu dhigay duleedka deegaanka Danow, waxaana inta la hubiyay howlgalkaasi jidgalka ah lagu dilay 3 askari oo Yugaandheys ah iyo dhaawaca mid kale.
Guutada madaafiicda Mujaahidiinta waxay weerar madaafiic ku garaaceen xerada saliibiyiinta Uganda ee deegaanka Numbar60, waxaana la xaqiijiyay in madaafiicda ay gudaha u galeen xerada, inta la xaqiijiyay na dhimashadu waa 3 askari oo kuffaar ah, diyaarad nooca Helicopter-ka ayaana soo caga dhigatay goobta xerada.
Magaalada Baydhaba gaar ahaan xaafadda {Buula-uusley} waxay Mujaahidiintu ka fuliyeen weerar qarax ah kaas oo lagu dhaawacay 2 askari oo murtadiin ah.
Dhanka dhulka NFD waxay ciidamada Mujaahidiintu dagaal toos ah ku qaadeen ciidamada saliibiyiinta Kenya ee ku sugan degmada Ceel Qaalow ee gobolka Mandheera, lama soo sheegin khasaaraha dagaalkan.