Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin waxay caawa 9 weerar oo isugu jira qaraxyo iyo dagaallo toos ah ku qaadeen saldhigyo iyo xarumo ciidan oo ay murtadiintu kaga sugnaayeen gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Howlgallada 7 ka mida waxay ahaayeen qaraxyo ay Mujaahidiintu ku weerareen fariisimo ay maleshiyaadka kooxda Riddada kaga sugnaayeen degmooyinka gobolka Banaadir halkalabada kalena ay ahaayeen weeraro toos ah, howlgalka hore oo ahaa dagaal toos ah waxay Mujaahidiintu ku qaadeen fariisinka murtadiinta ee miisaanka Dhuxusha ee xaafada Towfiiq, dagaal kale oo toos ah ayay sidoo kale Mujaahidiintu ku ekeeyeen fariisinka murtadiinta ee isgoyska Caymiska
Weerarada qaraxa ahna qaraxa koowaad waxay Mujaahidiintu caawa ku beegsadeen fariisinka murtadiinta ee isgooyska Ex-Control Balcad, waxaana qaraxaasi xigay qarax kale oo nooca miinda ah kaas oo ay Mujaahidiintu ku weerareen halka loo yaqaan saldhig galbeed, khasaare kala duwan oo isugu jira mid nafeed iyo mid maaliyadeed ayaa murtadiinta ku gaaray qaraxaasi, isla goobtan waxaa laga soo wariyay qarax kale lamana bixin faahfaahin dheeraad ah.
Degmada Howlwadaagna waxya Mujaahidiiantu caawa qarax xooggan la beegsadeen saldhigga dagmada Holwadaag, qaraxaasi waxaa xigay qarax kale oo ay Mujaahidiintu ka fuliyeen fariisinka murtadiinta ee kuyaal halka loo yaqaan Masaarida.
Degmada Heliwaa ee ka mid ah degmooyinka caasimadda waxay ciidamada Mujaahidiintu qarax culus ku weerareen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee dhismaha Xeeyla Bariis, howlgalka ugu danbeeyo oo qarax ah waxay ciidanka shabaabul Mujaahidiin caawa ku weerareen fariisinka murtadiinta ee kuyaal halka loo yaqaan Irshaad.
Howlgalladan fariidka ah ee isugu jira dagaallada tooska ah iyo qaraxyada ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada Mujaahidiintu sare u qaadeen howlgaladooda jihaadiga ah ee ka dhanka ah murtadiinta ee ka dhacay gudaha iyo duleedyada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.