Guutada qaraxyada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay qaraxyo barakaysan oo xubno murtadiin ah lagu dilay ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho, qaraxyadaas oo lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen shaqaalaha maamulka Riddada ee gobolka Banaadir.
Qaraxyada oo ahaa illaa 2 qarax waxay Mujaahidiintu la beegsadeen 2 gaari oo ay la socdeen shaqaalaha maamulka murtadiinta ugu magacaaban degmada Dharkenlay ee magaalada Muqdisho, qaraxyada ayaana si gaar ah kaga dhacay xaafadda Buula xuubey.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadan ku dhintay saddex xubnood oo murtadiin ah, halka dhaawacuna yahay 7 kale, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidamada shabaabul Mujaahidiin oo la hadlay warbaahinta islaamiga ah ee Andalus.
Qaraxyadan barakaysan ayaa daba socday qaraxyo xooggan oo xalay ay Mujaahidiintu ku weerareen saldhigyo iyo farsiisimo ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka murtadiinta.