Ludger Schadomsky oo ah qoraa reer galbeed ah ayaa maqaal dheer oo uu ku daabacay shabakadda Deutsche Welle ee laga leeyahay waddanka Jarmalka kaga faallooday xaaladda Geeska Africa, iyo xasilooni darrada ka jirta gobolkan iyo isbedallada la filan karo in billowga sannadkan ay ka dhacaan qaar ka mid ah dalalka dhaca Bariga Africa.
Qoraaga ayaa warbixintiisa ku billaabay in dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay billowga sannadkan ka dhici karaan isbedallo, iyadoo la eegayo fashilka dowladnimada Soomaaliya iyp halganka jihaadka ah ee ay Mujaahidiintu XSHM ka wadaan geeska Aftica, xaaladda bani’aadanimo ee taagan waddanka iyo musuqmaasuq doorashada murtadiinta.
Ludger Schadomsky oo ah madaxa laanta Amxaariga ee shabadda [DW] waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Itoobiya ay sidoo kale ka dhici karaan isbedallo dhan walba ah, marka loo eego isdilka dadka xabashida, iyadoo aan wali laga soo kabsan duullaankii uu Abiy ku qaaday gobolka Tigray.